“Only Kaah & Kulmiye? 1: Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashiyoow 2017 kii idinka oo Muuse Biixi iyo Xisbiga Kulmiye galbinaya cod ma u soo doonateen Habar-Jeclo? 2: Dabadeed si aan hagrasho lahayn cod kii aad naga rabteen ma idiin siinay? 3: Ma idiinka hiilinay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo idinla hayb ah kana mid ah Siyaasiinta Habar-Jeclo, oo idinla siman? 4: Ma celinay abaalkii ahaa Beesha Muuse Biixi waa kuwii Axmed Maxamed maxamuud Silaanyo inala dhisay oo markoodii Muuse Biixi mala dhisnay? 5: Tacabkii Habar-Jeclo Muuse Biixi galisay ee aad hormuudka u ahaydeen, Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashiyow sow maaha ka dhalay, in Buuni Xisbiga kulmiye ka saaro Maxamuud Xaashi, Maxamed Kaahina Lix-Sanno ka bacdi la dhaho Xisbiga Kulmiye gudoomiye ka noqo si uu Ururada uga soo gudbo? 6: Maantana ma waxaad rabtaan in aad idiin dulmino ninnkii shalay idinka dartiin Habar-jeclo oo dhan godobta uga gashay? 7: Ma waxaan idinku doorsanaa ninnka dad hortii arkay Ciil-Qabka Cadhada iyo Talo- xumada Muuse Biixi? 8: Ma waxan idinku doorsanaa ninnka isagoon Tolkii wadan Gudoomiye ka noqday Xisbiga Wadani, idinkoo kulmiye oo aad mulkigiisa lahaydeen wado la idinka mariyay? Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan isaga oo keligii ah ayuu kartidiisa kaalintaa ku soo gaadhay e, bal ka warama hadaynu Habar-Jeclooy kuligeen ku biirino taageeradeena?