1.Lamaanaha guleystay waa kuwa wada tashada. Nabiguna (NNKH) wuxuu la tashan jiray xaasaskiisa iyo Asxaabtii. 2.Had iyo jeer waa kuwa ka fogaada wixii keena khilaaf dhexdooda ah iyo iska hor imaadka, caqabad walba oo la soo gudboonaatana wey ka gudbaan. 3.Waa kuwa wax kastoo la soo gudboonada wada qabta, Isu muujiya dabacsanaan dhexdooda ah, waxna kala maqla. 4.Hadii khilaaf dhex maro ileen bani’aadam baala yahaye waa kuwii isu tanaasulo. 5. marmarka qaar markii khilaaf dhaco nimanku waxay isku dayaan inay haweeneyda cabudhiyaan marka raggu waa inaysan cadaadinin, sidaa darteeda cabudhiskuna reer ma dhaqo odayga reerku waa inuu usoo istaagaa hooyada reerka oo talada lawada gooyaa meelna lawada dhigaa ileen waa isku dane. 6.Waxay ku qanacsanyihiin wixii kheyrahoo Alle siiyo, iyagoo indhaha u taageynin waxay dadka kale heystaan. 7. waxey isku kaalmeystaan daacada Ilaahey noocay dooniba ha noqotee. Guntii iyo gunaanadkii waxaan dhihi lahaa hablaha anigaba aan ugu horeeyo inaan caawino wiilasheena garab istaagno daruufkasta oo ay ahaataba,kana dambeyno oo aan ku ekaano intii naloo jideeyey
#ukhti_šhukria
#somalitiktok #foryou #fypシ゚viral