Qisada Mazen al-Hamada waa mid xanuun badan oo ka mid ah sheekooyinka argagaxa leh ee ka soo baxay xasuuqii iyo tacaddigii ka dhacay Suuriya intii uu socday kacdoonka ka dhanka ahaa taliskii Bashar al-Asad. Mazen al-Hamada, oo ahaa nin dhalinyaro ah oo asal ahaan ka soo jeeda magaalada Deer Alzuur wuxu udhadhaqaaqi xuquuda dulmanayaasha reer Suurriya. Wuxuu kaqayb noqday oo si gesinimo le uga muuqday dibadbaxyadii nabadeed ee ka dhanka ahaa xukuumadda Suuriya sanadkii 2011. Mazen waxaa xabsiga la dhigay 2012, isagoo eedeen been abuur ah dusha loosaaray eedentaan ayaa aheed inuu hubeesnaa iyo inuu qayb ka ahaa iskahorimaad dhexmaray ciidanka bishaar iyo ciidanka xoreenta Shaam . Mudadii uu xirnaa wuxu lakulmay noocyada ugu xun ee jirdilka, sida in feeraha laga burburiyay iyo in lasoo laadladiyay isagoo dhulaka ujira inyar , wuxuu sheegay in uu cadaadiska dhiigisa uu laqarxi gaadhay , sanka iyo afka dhiig kakeenay. Ijeedka ciqaabtan ayaa ahaa inuu qirto dambiga beenta ah ee losariyay. Wuxuu soo maray muddo ku dhow laba sano oo xabsi ah, halkaas oo uu si shakhsi ah ugu arkay dhibaatada ay ciidamada ammaanka ku hayaan dadka maxaabiista ah, oo ay ku jiraan gaajo, jir-dil, iyo dilal joogto ah oo aad uqaab daran. Markii Mazen la sii daayay, wuxuu u baxsaday dibadda, halkaas oo uu ku noolaa Boqortoyada Nederland(holan). Intii uu qurbaha joogay, wuxuu noqday cod ka tirsan dadkii ka badbaaday tacaddiyada Suuriya, isagoo caalamka uga sheekeeyay waxa uu arkay. Wuxuu qabtay khudbado iyo waraysiyo si uu uga warramo dhibaatadii uu soo maray iyo xasuuqii uu goobjoogga u ahaa. sanadkii 2020, waxa losoo bandhigay cafis iyo Heshiis uu la galayyo bishaar al asad. Waxa laga codsaday inuu jojiyo fadexeenta reer asad , wuu is adkeeyey nasiibdaro waxa loo sheegay in qoyskiisa suuriya jooga uu kataxadaro heshiskana uu aqbalo . wuuna aqbalay . Mazen wuxu ku noqday Suuriya, iyada oo u muuqata in lagu khiyaameeyay ballanqaadyo been ah oo ah cafis iyo ammaan. Wixii intaas ka dambeeyay, wax war ah lagamahaynin. 9/12/2024 sanadkaan waxa maydka jirkiisa laga helay xabsiga wayn ee SIDNAAY waxa lagartay ilkihisa iyo bar kaga tiilay wajiga. Allaha unaxariisto Runtii waa qisadii ugu murugta badneed ee wayahaan lasoo wariyo.
#mazenalhamada #hamada#syria #saydnayaprison #bisharalasad